Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay Nin biskoolad been abuur ah watay

Ciidamada ammaanka ayaa xalay xaafada Bermuda gaar ahaan agagaarka xarunta degmada Howlwadaag ku dilay nin la sheegay in uu ahaa burcad biskoolado been abuur ah ama caag ah dadka uga dhacayay moobeelo.

Ninkan ayaa la sheegay in dhoor qof moobeelo uga qaatay biskoolada caaga ah uu watay ,waxaana markii dambe kusoo baxay oo eryayay ciidamada ammaanka oo ugu dambeyn toogasho ku dilay.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Howlwadaag ayaa markii dambe qaaday meydka ninkan dhaca geesanayay ee la dilay, waxa ay sidoo kale booliiska qaadeen qaar kamid ah moobeeladii uu ninkaasi soo dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan waxaa kusoo badanaya burcada ku hubeesan qoryaha iyo tooreeyada ee dadka dhaca u geesta, burcadan ayaana mararka qaar dil u geesta dadka dhaca ay u geesanayaan ee isku dhejiya telfoonada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cafis u fidiyay Fanaan Caan iyo Wiil uu dhalay oo Gabdho Ciyaal iskuul ah kufsaday

admin

Soomaaliya iyo Hindiya oo kawada hadlay arrimo labada dal muhiim u ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Sh/hoose oo dhaliilay booqashada Farmaajo ku tegay Magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---