Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka, ka dib munaasabad lagu qabtay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada ee gobolka Gedo, masuuliyiinta degmada Garbahaarey iyo marti sharaf kale.
Taliyaha oo khudbad u jeediyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in loo diyaar garoobo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa  wax uu ugu yeeray argagixisada ee aan ogoleyn nabadda.
Masuuliyiinta kale ee ka hadlay munaasabadda ayaa si wadajir ah u sheegay iney la shaqeyn doonaan taliyaha cusub ee maanta xilka la wareegay General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow).
Taliyahan oo ay magacowday dowlada Somalia ayaa shalay dib looga soo celiyey magaalada Kismaayo ka dib amar ka soo baxay maamulka jubbaland oo sheegay inaan lagala tashan magacaabidiisa.
General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa markii laga soo celiyey Kismaayo waxaa uu ka degay magaalada garbahaarey oo heyb ahaan uu ka soo jeedo halkaasoo uu hadda xilka kula wareegey, iyadoo arintan ay sii xumeyn karto xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya dowlada Somalia iyo Jubbaland oo markii horeba aan fiicneyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  Â