Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fahad Yaasiin: “Waa qalad in la igu tilmaamo Milkiilaha dowlada, shaqaale ayaan ahaa”

Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Fahad ayaa ku sharraxay wareysiga taageeradii uu siin jiray dowladdii Madaxweyne Farmaajo isagoo ka waramay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.

Fahad Yaasiin oo ahaa nin aad isu qariya oo aan lagu arkin fagaareyaasha mudadii uu ahaa taliyaha NISA ayaa sharraxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan.

“Waxaa suuragal ah inay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay, Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, oomaaliya ayay ka dhici jirtay” ayuu yiri.

Fahad oo la weydiiyey sida uu arko in dadka qaarkood iyo warbaahinta ay ugu yeeraan milkiilaha dowlada ayaa arintaas ku tilmaamay mid qalad ah.

“Waa dhaqan xumo iyo hadal aan asluubeysneen qofkii dhaha Mulkiile ayuu Fahad Yaasiin ahaa. Inta qof ee dhahday Mulkiile ayuu ahaa waxay meel uga dhaceen sharafta dowladnimada, Aniga shaqaale ayaan ahaa. waa sax inaan u dhowaa Farmaajo waana ku faraxsanahay middaas. Rasuulka Scw ayaa Abubakar iyo Cumar dadka uga dhowaa” ayuu yiri fahad Yaasiin

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA&t=2s

Related posts

Somaliland oo ka carootay si adagna uga hortimid hadal Masar kasoo yeeray

Cabdi Cade

Cabdirashiid Janan oo shaaca ka qaaday Qorshayaal uu ka diiday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Baaq Muhiim ah u diray Saaxiibada Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---