Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay Ballanqaadyo kana hadlay waxa u qorsheesan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ballaaran oo  ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo lagu qabtay teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu caleemo saarayay ayaa u mahadceliyay madaxda kasoo qeyb gashay munaasabadda, waxa uuna halkaasi kusoo bandhigay ballanqaadyo iyo waxyaabo badan oo u qorsheesan dowladiisa cusub.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in dowladiisa ay la imaan doono waxqabad muuqda oo lagula xisaabtamo kana shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka iyo sidoo kale dhameestirka dastuurka qabyada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in uu sii wadi doono wadahadallada maamulka Somaliland uuna wax badan ka qaban doono amniga dalka oo xilligan meel xun gaaray.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.

Munaasabadad maanta lagu caleemo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan ayaa dhammaan madaxdii halkaasi ka hadashay u ballanqaaday Madaxweynaha in ay la shaqeyn doonaan ayna taageeri doonaan dowladiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Siyaasiyiin caan ka ah Puntland oo masuuliyad daro ku eedeeyey Deni

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyay dalka Kenya

Cabdi Cade

Xaaf ma dhismaha Galmudug ayuu ka shaqeynayaa mise dan gaar ah (Warbixin)

Caydiid Ali