Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay xaalad cusub oo soo korortay soona saartay Xanibaadyo

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay  soo laba kacleynta cudurka Covid-19 gaar ahaan mowjada cusub ee OMICRON.

Wasaaradda Caafimaadka ayaana soo saartay habraac cusub oo loogu tala galay hakinta caabuqa Covid-19 , waxa ayna wasaaradda caafimaadka soo saartay xanibaadyo si looga hortago faafitaanka cudurka.

Warkan ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in la hakinayo isu imaatinka dadweynaha sida ciyaaraha ,banaanbaxyada,aroosyada iyo dhacdooyinka kale ee sababi kara in dadku isu yimaadaan.

Halkan ka Akhriso habraacan looga hortagayo faafitaanka Covid-19

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo kulamo ka wada Magaaladda Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dal sharci adag kasoo saaray dadka baraha bulshada Aflagaadada ku geesta

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo gaaray Irdaha Isbitaalka Al-Shifa & dhaqaatiirta oo diiday amar la siiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---