Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho waxaa xilligan ka socda xaflada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii may lagu doortay Muqdisho.
Xaflada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaal, Ra’isul Wasaarayaal, Wasiiro iyo wafuud kala duwan oo ka kala socota qaar kamid ah waddamada Caalamka.
Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh qaarkood ayaa munaasabadda ka jeedinaya khudbado ay kusoo dhaweenayaan madaxweynaha cusub ee la doortay uguna muujinayaan taageero.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com