Warbixino iyo xog dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerarkii fashilmay ee al-shabaab maanta ku qaadeen xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Madaxtooyada Somalia.
Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada iyadoo shan ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen dableydii weerarka qaaday oo ku lebisnaa dareys gaar ah oo la siiyey guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka oo dhowaan tababar loo soo xiray.
Qaraxyada ayaa ka hor inta aysan dhicin waxaa la maqlay rasaas ay fureen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hortegay Gaari isku dayey inuu xoog ku jiiro bar ay ka ilaaliyaan Madaxtooyada oo ku taala Isgoyska Ex. ambulatooriyadii Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.
Darawalka Gaariga Qaraxa waday ayaa ku beegmay dhinaca Hotel SYL markii ay rasaas kaga timid hore iyo gadaal, waxaana  rogmaday Gaariga oo markiiba halkaas ku qarxay.
Qarax kale oo xoog leh ayaa ka dhacay wax yar ka dib wadada ka timaada Ex-shineemo Afrika ee madaxtooyada ka gasha taalada SYL ka dib markii Gaari lagu soo raray qaraxyo uu isku dayey inuu halkaas ka gudbo.
Meydadka qaar ka mid ah dagaalyahanadii sida tooska iskugu dayey iney u galaan madaxtooyada ayaa halkaas daadsanaa illaa gelinkii dambe ee maanta, kuwaasoo lagu dilay israsaaseyntii dhexmartay ciidanka ilaalada Villa Somalia.
Dadka odorosa weerarada alshabaab ayaa sheegaya in fashilka ku yimid weerarkii maanta uu ka dhashay farsamo xumo iyo isku-xirnaan la’aan ka dhexeysay dableyda weerarka soo qaaday.
Sidoo kale dad badan ayaa la yaaban sida al-shabaab ay weli ugu hamineyso iney xoog ku galaan madaxtooyada Somalia oo sida la ogyahay loo sameeyey difaacyo kala horeeya oo ay adag tahay in si sahlan lagu jiiro.
Weerarka maanta ayaa ku soo aadaya xili ay xirnaayeen jidadka Muqdisho badankood, waxaana la isweydiinayaa sida al-shabaab ay ugu suuragashay iney labo gaari oo qaraxyo ka buuxaan gaarsiiyaan meel kaabiga ku heysa madaxtooyada, iyadoo saraakiisha amaanka dowlada aysan weli ka hadlin weearadii maanta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  Â