Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa magacaabay La-taliyaal cusub (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA

Related posts

Raisul Wasaare Xamsa iyo dhigiisa Dr. Mu’in Abdul Malik oo telefan ku wada hadlay

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ka farxisay shacabka deegaanada Sabiid iyo Caanoole (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo taariikhi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---