Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha India & Somalia oo gaaray heshiis ka kooban afar qodob (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Hindiya Amb Dr Virander Paul iyo Ku xigeenkiisa oo ka wakiil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi  Mudane Om Birla.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Baarlaamaanada Labada dal iyo qodobo

Kulanka oo lagu gaaray is afgarad horu-dhac ah (MOU) oo u dhaxeeya Baarlmaanada  Somalia iyo Hindiya qodobada ayaa Kala ah .

1-In Dalka Hindiya uu siin doono Xildhibaanada BJFS  Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS.

2-In  Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lacag la’aan ah Dalka Hindiya loogu soo dawayn doono.

3-In la diyaarin doono  duulimaad toos ah  iyada oo loo marayo xafiiska ra’iisul wasaaraha wasaaradda duulista si loo sameeyo duulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyderabad.

4) Sidoo kale in Dalka Hindiya uu bixin doono deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah taasoo la siin doono qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed.

Related posts

Taliska ciidanka PSF oo War cusub soo saaray & Wararkii u dambeeyey Xaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo maanta la magacaabo iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo heegan la galiyay iyo Go’aano adag oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---