Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya Caleema saarka Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Berrito ka dhacaya Muqdisho.

Madaxda dowlad goboleedyada K/Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo iyo Hirshabelle ayaa horey u soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan xaflada caleemo saarka.

Wufuud caalami ah oo ay ku jiraan madaxda dalalka deriska la ah Somalia ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan munaasabada caleemo saarka oo beri dhaceysa.

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada..

Caydiid Ali

RW Khayre oo Khadka telefanka kula xiriiray Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga

Caydiid Ali

Dhismaha Garoon Diyaaradeed midka ugu weyn Dunida oo gabo gabo ah maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---