Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ku dhowaad 20 ruux oo ku naf waayey shil fool xun oo dhacay Degmada Tabas (Sawirro)

Warbaahinta dalka Iran ayaa sheegay inay ugu yaraan 17 qof geeriyootay,  halka ay 50-meeyo kalena ku dhaawacmeen Shil Tareen oo saaka ka dhacay Bariga dalkaasi.

Tareenka rogmaday waxa uu isaga gooshayey magaalooyinka Mash-had iyo Yazad, wuxuuna ku qalibmay meel ku dhow Degmadda Tabas abaarihii Shantii iyo barkii (05:30) aroornimo xilliga dalkaasi.

Degmadda Tabas ee Lama-Degaanka ah waxay 550 KM dhanka W/Bari kaga toosan tahay Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Saraakiisha waxay sheegeen inuu Tareenka ku dhacay wiish yaallay dhabaha Tareenka (Railroad). Shilkaasi waxaa la xaqiijiyey inay ugu yaraan 17 qof ku geeriyootay, iyadoo 50 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo 15 ka mid ah xaalladooda aad u liidato, sida laga soo xigtay Ilo Caafimaad.

Guddoomiyaha Degmadda Tabas waxa uu sheegay inay shilkaasi ku rogmadeen 7 rimoor ama qeybood oo Tareenka jiidayey.

Helikobtaro iyo Gaadiidka Gurmadka (Ambulances) oo ka kala yimid 3 Gobal ayaa gaaray goobta ay masiibada la dhacday, si ay u daabulaan Maydadka iyo dadka ku dhaawacmay Shilkaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA SHILKA

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA&t=1s

Related posts

Ciidamada AMISOM oo tagaya farumaha dagaalka ee deegaanada Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Cabdi Cade

Musharax Shaaciyay Sababta keentay in Daalibaan la wareegto talada Afganistan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---