Allbanaadir.com
NEWS

Xubnihii ka dhinnaa Guddiyada Diiwaangelinta Asxaabta Siyaasadda Somaliland oo la dhaariyay (Sawirro)

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha  hortiisa ku dhaariyey Saddexdii xubnood ee ka hadhsanaa Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa xubnaha mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, isaga oo mid mid ugu dhaariyey inay si caddaalad iyo dhexdhexaad ah howsha Qaran ee loo igmaday u gudan doonaan.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha Eebbe uga baryey inuu hawshooda u fududeeyo, waxana uu kula dardaarmay inay degdeg ugudo galaan shaqada ballaadhan ee sugaysa.

Saddexda xubnood ee maanta la dhaariyey, ayaa ku biiri doona Afar xubnood oo hore loo dhaariyey hawshana sii waday, waxana sidaas ku dhammaystirmay toddobadii xubnood ee ay ka koobnaayeen Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda.

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadam Cilmi iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA

Related posts

Shacab careysan oo dibed-bax ka dhigaya bartamaha Magaalada Beladweyne

Caydiid Ali

Fursad aad u qaali ah oo loo hayo Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda

Cabdi Cade

Ciidamo Kenyan ah oo garab siinaya Jubbaland oo lasoo dhoobay Xadka gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---