Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiisha ciidamada Booliiska ee ka howlgala Muqdisho oo amar la siiyay

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in beri oo khamiis ah lagu qabto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xaflada ka qeyb galaya madax kala duwan iyo marti sharaf meelo kala duwan ka kala imaanaya.,

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in si weyn loo adkeeyo inta ay socoto xaflada caleemo saarka, waxaana magaalada lagu soo daadiyay ciidamo badan oo booliis ah oo loogu tala galay in ammaanka xaqiijiyaan.

Qoraal kasoo baxay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa lagu amray taliyaasha ciidamada ka howlgala magaalada Muqdisho in ay heegan galaan ayna geeyaan ciidamada goobaha loogu tala galay.

Waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliyaha in saraakiisha booliiska masuul ka yihiin amniga goobaha la geeyay lagula xisaabtami doono waxii ka dhaca , waxaana taliyaasha lagu wargaliyay in ciidankooda la socdaan ayna fuliyaan amarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=6YvkXjBI3a4&t=121s

Related posts

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowlada

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xanibaadii ka qaaday degmoyinka Bay & Bakool

Caydiid Ali

Ciro oo ka hadlay sida uu wajahayo dagaalka ka socda Ceerigaabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---