Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku marti qaaday Axmed Burhaan (Daawo Muuqaal+ Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey  marti qaad u fidiyey wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka oo ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaa madaxweynaha ku wehlinayey aabaha dhalay Axmed Burhaan Maxamed, macalinkiisa iyo Markazka Abubakar Sadiiq ee Minessota.

Waxaa sidoo kale ku wheliyay masuuliyiinta Hay’adda culumada Soomaaliyeed iyo dalladaha culumada iyo sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Axmed Burhaan Maxamed ayaa ku guuleystay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo adduunka ka kala yimid, kuna tartameyey Quraanka Kareemka ah

Madaxweynaha dalka ayaa Axmed oo 17 jir ah ugu hambalyeeyey guushii uu gaaray isagoo ku bogaadiyey in dadaalkiisa uu halkaasi kasii wado.

https://youtu.be/qtrJ0ALTPxg

Axmed Burhaan Maxamed ayaa dhinaciisa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida qiimaha badan ee uu u casuumay madaxweynaha dalka, isagoo sheegay in casuumadda loo sameeyey niyadiisa ay ku beertay farxad aan lasoo koobi karin.

“Waa wax aad u farxad badan, ma aanan fileynin. Waxay iiga dhigantahay maamuus iyo ixtiraam aad u badan.”ayuu yiri Maxamed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xilka inta uu qabtay waxa uu maamuus iyo marti qaad u sameeyey qaar ka mid ah dadka hal abuurka leh sida abwaanno,qorayaal, ciyaartooy  farshaxanaystayaal, iyo dhallinyaro kaalimaha hore ka galay tartannada Quraanka Kareemka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Barafasoor shaqada laga joojiyay oo Toogasho ka geestay dhismaha Jaamacadda Nevada

Cabdi Cade

Kumanaan Dhalinyaro ah oo safaf dheer ugu jira in loo qoro Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Cabdi Cade

Hooyada Dhashay Paul Pogba oo xil muhiim ah loo magacaabay

Cabdi Cade