Kooxo burcad hubeesan ayaa caawa weerar dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho waxa ay ku qaadeen dukaan ganacsato Soomaaliyeed ku lahaayeen deegaanka Khayalisha oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa markii ay galeen dukaanka kuyaalay xaafada Khayalisha gaar ahaan halka loo yaqaan (CB) waxa ay ku fureen rasaas xoogan oo ay la beegsadeen dhallinyaradii halkaasi joogtay.
Inta la xaqiijiyay weerarka caawa lagu qaaday dukaanka ganacsato Soomaaliyeed ku laheyd Cape Town waxaa lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah oo magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar ,waxaa sidoo kale goobta iyana lagu dilay labo nin oo kale oo kasoo jeeda dalka Malawi.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo gurmad ah ayaa gaaray goobta lagu dilay Soomaalida iyo dadkii la shaqeenayay , waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geesatay.
Dilkan caawa loo geestay dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli xalay sidoo kale deegaan hoostaga Cape Town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, waxaana maalmo kahor iska Cape Town lagu dilay ganacsato kale oo Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=afPUagmpkmU