Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in maalinta khamiista ah lagu caleemo saaro magaalada Muqdisho ayaa diyaariyay liiska masuuliyiin dhoor ah oo xilka laga qaadayo iyo shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa.
Xasan Sheekh ayaa marka la caleemo saaro shaqadiisa ugu horeesa uu qabanayo la tilmaamay in ay noqon doonto xil ka qaadis uu ku sameeyo masuuliyiin katirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.
Dadka sida weyn loo hadal hayo in xilka laga qaadayo ayaa waxaa ugu horeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish iyo qaar kamid ah kuxigeenadiisa.
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaxweyne Xasan Sheekh mar kale u magacaabayo guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Madaale oo xubin muhiim ka ah xisbiga Xasan Sheekh.
Waxaa sidoo kale xubno kale oo iyana guluf ugu jira in loo magacaabo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisjo, waxaana siyaasiyiin Madaxweynaha ku dhaw dhaw sidoo kale ku qalqaalinayaan Madaxweynaha iyo in uu kala qaado guddoomiyaha iyo Duqa.
Xogaha aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in guddoomiye kuxigeenada gobolka Banaadir loo magacaabyo xubno kale oo aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ay wataan saaxiibada ku dhaw dhaw Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la tilmaamay in isbadal iyana ku sameyn doono talisyada ciidanka booliiska iyo milatariga, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn ugu milmay siyaasadda lana saftay Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=afPUagmpkmU