Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xukun Dil ah oo goordhaw lagu fuliyay Nin dil aad looga naxay ka geestay Baydhabo (Sawirro)

Waxaa goordhay fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed lagu toogtay nin dhawwaan dil aad looga naxay ugu geestay Baydhabo haweeney kamid aheyd dadka deegaanka.

Maxkamad kutaala magaalada Baydhabo ayaa xukun dil ah ku ridey gacan ku dhiiglaha dilka geestay oo lagu magacaabayay Maxamed Goomey, waxaana goordhaw xukunkaasi si deg deg ah loogu fuliyay gacal ku dhiiglaha.

Fagaaraha dilka ka dhacayay waxaa isugu tagay dadweyne aad u badan oo ku faraxsanaa fulinta xukunkaasi, masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka Koonfur Galbeed oo goobjoog ka noqday qaabka dilka loo fulinayay.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa maalmo kahor dilay kadibna meydkeeda ku dhax riday musqul marxuumad Aamina Maxamuud Malaaq, dilkan ayaana aad uga careesiiyay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Baydhabo degan.

https://www.youtube.com/watch?v=O_h7IYenSC8&t=1s

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii 3aad ee ka dhacay Baladweyne & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo War kasoo saaray Musharaxiinta Wajiga Qarsanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---