Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Wiil Soomaali Mareykan ah oo laga dhax helay Wabiga Mississippi

Waxaa saacado kahor la helay meydka Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo muddo shan cisho ah nolol iyo geeri lagu la’aa ayna socdeen baadigoobkiisa.

Wiilkan oo dhiganayay Jaamacadda Minnesota ayaa booliiska magaalada iyo eheladiisa ku jireen baadigoobkiisa, waxaana ugu dambeyn isaga oo dhintay meydkiisa laga helay webiga Mississippi.

Booliiska magaalada Minniesota ayaan wali faah faahin ka bixin sababta keentay geerida wiilkan, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta keentay geerida wiilkan Soomaaliyeed.

Webiga Mississippi ayaa horey looga helay meydadka dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhaceen, lamana oga in wiilkan uu wabiga ku dhacay iyo sidoo kale lagu riday inta la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=O_h7IYenSC8

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka SSC Khaatumo oo war ka soo saaray dagaaladii saaka ka dhacay Maraaga

Caydiid Ali

Turkiga oo kordhinaya Taageerada uu siiyo Milatariga Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---