Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Dalladaha Waxbarashada oo War ka soo saaray Imtixaanka Shahaadiga

Guddiga sare ee Midowga Dalladaha Waxbarashada dalka ayaa ka soo horjeestay xubno magaca midowga Dalladaha ku qaadacay Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay masuul ka tahay nidaanka iyo siyaasadda waxbarashada guud ee dalka.

Sidoo kale Midowga Dalladaha Waxbarashada ayaa sheegay iney mar walbo diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasinka Waxbarasbada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Maamulayaasha Iskuulada, waalidiinta iyo Ardayda iney u diyaar garoobaan ka qeyb galka Imtixaanka isla markaana la shaqeeyaan Wasaaradda.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal

Cabdi Cade

Dowlada oo diyaarisay qorshayaal lagu fashilinayo Banaan baxa ay iclaamiyeen Musharaxiinta

Cabdi Cade

Qarax gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---