Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalal ka tirsan Yurub oo diiday inuu hawadooda dul maro Wasiirka A/dibadda Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa dalka Serbia ka dib caqabad soo wajahday safarkiisa.

Saraakiishu Ruushka ayaa sheegay in dhowr waddan ay ka hor istaageen diyaaradiisa in ay dul marto hawadooda.

Afhayeenka wasaarada Maria Zakharova ayaa xaqiijiyey talaabada wasiirka loogu diiday safarkiisa.

“Wafdiga Ruushka waxay ahayd inay Belgrade u yimaadaan wadahadal, laakiin Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah NATO ayaa xiray hawadooda.”

Lavrov ayaa sheegay inuu hadda ku casuumi doono dhiggiisa Serbia Nikola Selakovic in uu ku soo booqdo Moscow.

“Ma jirto cid awood u leh in ay burburiso xiriirka aan laleenahay Serbia” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.

 

Related posts

ECOWAS oo go’aamisay talaabo culus oo ka dhan ah Milateriga Niger (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Cabdi Cade

Xeer ilaaliyaha Somaliland oo ka hadlay Sababta loo xiray Xildhibaan Abiib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---