Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo iyadoo Xijaaban Taksiile ka noqotay dalka Norwey (Daawo Sawirada)

Gabar Soomaaliyeed oo kunool dalka Norwey ayaa kamid noqotay Taksiilayaasha ka howlgala dalkaasi, waxaana gabadhan oo xiran xijaab iyo dhar asturan soo jiidatay Warbaahinta dalka Norwey.

Shugri Axmed oo gabar Soomaaliyeed ah ayaa shaqo ka heshay shirkada Takaasida ee Din Taxi, waxaana gabadhan la sheegay in ay tahay gabadhii ugu horeesay oo Soomaali ah iyada oo xijaaban Taksiile ka noqota dalka Norwey.

Waxa ay  sheegtay Shugri Axmed in shaqadan ay tahay mid ay ku haminaysay islamarkaana ay ka go’antahay inay sii wado, waxa ayna dumarka Soomaaliyeed ku dhiiro galisay in shaqadan oo kale iyo kuwa kalaba ka shaqeeyaan.

Dumarka Soomaaliyeed ee qurbaha kunool ayaa inta badan ka shaqeeya shaqooyin aan aheyn Taksiilanimo, waxa ayna gabadhan Soomaalieed ku dhiiratay in Taksiilo noqoto iyada oo xijaabkeeda wadata

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo Maxkamad looga yeeray (Akhriso)

Caydiid Ali

Xasan Shikh “Ganacsatada lacagaha baada ah siiya Al Shabaab waa u digaynaa lama siin karo .. !!

admin

Dalkii labaad ee Afrikaan ah oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---