Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray Xildhibaan oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah oo dhaliyay khasaaro ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah uu la socday xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Kenya oo lagu magacaabo Ibraahiim Cabaas.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in qaraxa miino uu haleelay mid kamid ah kolonyadii uu la socday Xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ahaa gaari ciidan xilli ay kusii jeedeen degmada Hulugho.

Inta la xaqiijiyay shan askari oo katirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino, askarta qaar dhaawacyada soo gaaray ayaa wararku sheegayaan in uu culus yahay loona qaaday xarumo caafimaad.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaana bilaabay baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii ka dambeesay, waxaana safarkooda iska sii watay Xildhibaanka ka badbaaday qaraxa miino iyo xubnihii kale ee la socday.

Dowladda Kenya ayaa inta badan ku eedeysa dagaalyahanada Al Shabaab qaraxyada miino iyo weerarada kale ee inta badan ka dhaca gobolka Waqooyi bari ee Kenya iyo sidoo kale gobolka Xeebta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=VJNw156-y4o&t=186s

Related posts

Taliban oo go’aan ka soo saartay ajaaniib ay ku jiraan Maraykan oo weli ku xaniban Kabul

Caydiid Ali

(Akhriso) Qodabadii ay ku heshiiyeen Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada dalka

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo soo bandhigtay qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Baarlamanka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---