Allbanaadir.com
NEWS

Ujeedka iyo Cida ka Dambeysa Is casilaadii guddiga Doorashada Somaliland oo la shaaciyay

Xubnihii guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliland qaban qaabinayay ayaa dhammaantood is casilay, waxa ayna xubnahan uu markii horaba intooda badan keenay Madaxweyne Muuse Biixi shaqada ka tageen xilli doorashada soo dhawaatay.

Musharraxa xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi ka dambeeyo in ay is casilaan guddigii dooarshada.

Waxa uu xusay Musharax Cirro in ujeedka guddiga doorashada u kala tageen iskuna casileen ay tahay in aan la qaban doorasho oo muddada dheereesto Madaxweyne Biixi, waxa uuna cadeeyay in ay qabanayaan isku soo baxyo waa weyn.

“Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doorasho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way isku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doono oo waqtiga iyo goobaha waan idinku wargelin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliland ayaa loo ballansanyahay in ay dhacdo bisha November ee sannadkan, hasa ahaatee waxaa hada shaki badan la galinayaa qabsoomida doorashadaasi oo maamulka Madaxweyne Biixi ka caga jiidayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Wxccx5zZgcI&t=6s

Related posts

Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay dalalka Itoobiya iyo Kenya

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo ku soo laabtay Muqdisho ka dib safarkii Puntland

Caydiid Ali

Shacab ku dhamaaday qarax gobolka J/hoose ku qabsaday gaari ay la socdeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---