Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta dib ugu Soo noqday Dalka, kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.
Cumar Finish waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan guddoomiyaal degmo ,agaasimayaal iyo qaar kamid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.
Soo dhaweynta maanta loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde Duqa Muqdisho ayaa u muuqatay mid sii sagootis ah, waxaana si weyn loo hadal hayaa in maalmaha soo socda xilka laga qaadayo Cumar Finish
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in uu diyaariyay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabayo gobolka Banaadir, waxaana wararka xoogiisa sheegayaan in mar kale gobolka loo soo celinayo guddoomiye horey xilkaasi usoo qabtay.
Dowladda cusub ayaa la filayaa in meesha ka saarto inta badan masuuliyiintii sida weyn ula saftay una taageersanaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, waxa uuna Cumar Finish kamid ahaa dadkii taageerada Farmaajo sida weyn u madax martay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=Wxccx5zZgcI