Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixinaya kharashka ku baxaya qaadista Imtixaanka Dugsiga sare

Waxaa shaki xooggan la galinayay qabsoomida imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo horey wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya u shaacisay in aysan heyn sannadkan dhaqaalaha ku baxaya qaadista imtixaankan.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga Muqdisho iyo gobolada dalka ka bilaabanayo 18-ka bishan June.

Waxa uu sheegay agaasimaha in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ballanqaaday bixinta kharashaadka ku baxaya qabsoomida imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, waxa uuna xusay in imtixaanka la diyaariyay goobihii lagu gali lahaa.

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa uga mahad celisay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud dadaalka uu ku bixiyay qabsoomida Imtixaanka Fasalka 12,aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashadda Waxa ay-u-mahadcelinaysaa boqolaalka Iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay Kaar aqoonsiga Imtixaanka Fasalka 12,aad,(Roll Number) waxa ayna ku wargelinaysaa Iskuulada Aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Imtixaanka in ay qaataan kama danbeys 04/06/2022” ayuu yiri agaasime Ismaaciil Yusuf.
 
Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa sannad walbo waxaa ku baxaya qarashaad badan, waxaana jira macalimiin iyo shaqaale badan oo qeyb ka ahaa qaadista imtixaankii hore in aan wali la siin xaquuqdii ay lahaayeen ayna diideen in sannadkan shaqeeyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble & saaxiibadiisa Siyaasada oo ku fashilmay talaabo ay qaadeen

Caydiid Ali

Jabhada ONLF iyo dowlaa Itoobiya oo maanta heshiis kala saxiixanaya

Cabdi Cade

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali