Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Aadan Madoobe oo ka qeyb galay dabaaldega Italian Festa della Republica (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan  2-da Juun.

Maalintan oo loogu magacdaray (Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii  Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa  dhambaal  hambalyo  ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

Related posts

Daawo:-Hadal Haynta Ugu badan maanta oo noqotay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo

admin

Ciidamada Dowladda oo qarxiyay maanta qaraxyo Al Shabaab ka qabteen (Sawirro)

Cabdi Cade

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---