Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Sida ay booliska sheegeen Afar ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay ninka toogashada gaystay, oo ku hubaysnaa qori iyo bastoolad, uu isaga qudhiisa geeriyooday.

Wali lama shaacinin aqoonsiga qofka falkaas gaystay oo la rumaysan yahay inuu isaga qudhiisa isdilay. Sidoo kale, wax faahfaahin ah lagama hayo sababta horseedday falkan.

Taliye ku xigeenka booliska, Eric Dalgleish, oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayaa yiri: “Waqti xaadirkan, afar qof oo rayid ah ayaa naga dhintay, hal nin oo toogashada gaystayna wuu dhintay.”

Emergency personnel work at the scene of a shooting at the Warren Clinic in Tulsa, Oklahoma, June 1, 2022. REUTERS/Michael Noble Jr.

Related posts

Ra’isul Wasaare Muslim ah oo Warqad Codsi ah u diray Milkiilaha Shirkadda Facebook

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay in lasoo gaarsiiyay Digniino Amni iyo Weeraro la qorsheeyay

Cabdi Cade

Xus loo sameenayo Labo Oday oo Sabab u ahaa in lala Dagaalamo Al Shabaab oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---