Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambo baxay magaalada Baydhabo ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday madaxweynaha Galmudug, Xildhibaano katirsan labada aqal , Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdigiisa ayaa loo galbiyay madaxtooyada Galmudug halkaas oo nasiino kadib la filayo in uu kulamo kula qaato Madaxweynaha Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarakan uu goordhaw Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay uu deegaanada Galmudug ku tago tan iyo markii dib loo doortay, waxa uuna noqonayaa safarkii labaad uu Muqdisho uga baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=VJNw156-y4o&t=8s

Related posts

Degaano ay ka mid yihiin Ceel lahelay iyo Moqokori oo lagala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Xildhibaan kamid noqonaya Aqalka Hoose oo Goordhaw lagu doortay Jowhar

Cabdi Cade

C/raxmaan C/Shakuur oo shaaciyey dhaqaalaha ay ugu deeqeen dadka taageersan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---