Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.
 
Waxaana kulankaan dhax maray Madaxweynaha Somaliland iyo wakiiladan ka socday Beesha Caalamka lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh maamulka Somaliland iyo sidii ay ugu dhici lahaayeen hab xasilooni ah.
 
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.
 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre ma aqbali doonaa Xil ka qaadista lagu sameeyay ? (Warbixin)

Cabdi Cade

Daawo :-Aaskii Qaran ee loo sameeyay Guddoomiyihii Degmada Hodan & Mas’uuliyiin isugu jirtay ..

admin

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday Geedow Maxamed Fiidow (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---