Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Somaliland oo saddex cisho u qabtay dowlada Somalia (Maxa soo kordhay)

Shir uu gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulan la qaatay culimada dalka iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ayaa lagu lafo-guray caqabadaha ku saabsan gudashada waajibaadka xajka gaar ahaan qoondada 350-ka ah ee loo qorsheeyey Somaliland.

Waxaa kulankaasi fariin muhiima looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha dalka ka hawl-gala oo looga digay inay ku tallaabsadaan arrimo ka soo horjeeda mawqifka xukuumaddu ka qaadatay qoondada Xajka.

Shirkadaha, iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.

Somaliland, waxay la socodsiinaysaa  dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umaddaha muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay  Soomaalya siyaasadaysay xajkii sida warka loo dhigay, kaasoo ah mid ka mida arkaanta Islaamka.

Somaliland ayaa sheegtay in haddii si degdeg ah Dowlada Somalia xal uga gaari weyso arrintan ay keeni doonto in aanay xajin sanadkan shacabkeda

Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.

Sacuudiga ayaa sanadkan hoos u dhigay tirada dadka ka qeyb galaya xajka ee ka imanaya caalamka, taasoo laga dhigay hal milyan halkii ay horey u ahaan jirtay 3 milyan, waxaana somalia oo dhan oo ay ku jirto Somaliland ku soo aaday illaa shan qof halkii ay horey ka ahaan jirtay dad ka badan 10 kun.

https://www.youtube.com/watch?v=OSMFMh5I_Ak

Related posts

Xiliga ay dalka ka baxayaan qeybtii ugu horeysay ciidanka ATMIS oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofaya iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Ciidanka booliiska oo bad baadiyay nolosha labo wiil oo halis ku jiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---