Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dagaalka Ukraine oo laga cabsi qabo inuu yeesho weji kale ka dib markii..

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ogolaaday inuu u diro dalka Ukraine hub aad u horumarsan oo dhanka gantaalada ah.

Biden ayaa talaabadan qaaday isagoo rajaynaya in awooda Ukraine iyo Ruushka ee dhanka madaafiicda ah ay noqdaan kuwo isku mid ah si xal diblomaasiyadeed loogu soo afjaro dagaalka.

Balse Mareykanka ayaa ogolaaday in uu bixiyo gantaalada sida saxda ah loo hago, kuwaasoo gaari kara bartilmaameedyada ilaa 70km (45 miles), kaliya ka dib markii ay heleen hubanti ah in hubka aan loo isticmaali doonin in lagu weeraro bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in dalkiisa “aanu rabin in uu weeraro Ruushka”.

Wareysi uu siiyay TV-ga Newsmax, hogaamiyaha Ukraine wuxuu ku adkeystay in madaafiicda loo isticmaali doono oo keliya in ay isku difaacaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Ruushka ay duqeyeeya warshad kiimikooyinka sameyso, iyagoo taa u adeegsanayo in ay dib ugu riixaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalo muhiim ah oo ku taala bariga Ukraine, Madaxweynaha Ukriane ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid “waali” ah oo xad dhaaf ah.

https://www.youtube.com/watch?v=OSMFMh5I_Ak

Related posts

Maxaa ka jira in Itoobiya ka cudur-daaratay booqasho uu beri ku tegi lahaa Xasan Shiikh?

Caydiid Ali

Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Masjid kuyaala magaalada Mubi

Cabdi Cade

Yariisow oo isaga oo Ilaalo badan wata booqasho ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---