Booliska federaalka Itoobiya ayaa sheegay inay jiraan 111 Warbaahinta online-ka oo si sharci darro ah Xogo been abuur ah shacabka ugu dhex fidinaya.
Federaal Booliska itoobiya oo Maanta War saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay inay wadanka jiraan 111 Warbaahinta online-ka oo iyaga oo aan Fasaxa diwaan gelinta Warbaahinta haysan, si sharci darro ah Xogo been abuur ah oo kicin iyo iska hor imaad shacab oo diin iyo isir kujihaysan abuuraya si sharci darro ah u fidinaya, halka ay warbaahintani 24 Saac ku hawlan yihiin baahinta Borobogaandada iyo xogaha been abuurka ah ee ay ku doonayaan inay dawlada iyo shacabka ku kala fogeeyaan.
Dhanka kale, Federaal Booliska JDFI ayaa sheegay in laqabtay 10 shaqsi oo Warbaahintan shabadaha sida sharci darrada ah warbaahinta bulshada ugu fidinayey xogaha beenta ah ee shacabka diin iyo qoomiyad iskaga horkeenaya, islamarkaana Amniga iyo xasiloonida Shacabka dalka khalkhalka gelinaya, iyadoo shaqsiyaadkan laqabtay ay boolisku baadhis kuwadaan.
Sidoo kale booliska ayaa xusay in baadhista ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen inaysan shaqsiyaadkani Wakaalada Maamulka Warbaahinta itoobiya iyo Xafiisyada ay qusayso ee deegaanada aysan ka haysan fasaxa diwaangelinta Warbaahinta.
Booliska ayaa cadeeyey in shaqsiyaadkan sharci la horkeeno ay muddo dheer bulshada kudhex shaacinayeen xogo been abuur ah oo bulshada kadhex abuuraya iskudhac iyo khilaaf diin, qoomiyad iyo isic kusalaysan, iyaga oo hadba shacabka Ajende u dajinaya, si Hadalada necaybka iyo xogo kutiri keen ah oo nabadda iyo xasiloonida halis gelinaya ay shacabka wadanka ugu dhex fidiyaan.
Sidookale Booliska Ayaa dadka Warbaahinta kaladuwan isticmaalaya ugu baaqay in Marka ay warbaahinta bulshada iyo dhamaan noocyada kaladuwan ee aaladaha saxaafada adeegsanayaan ay u isticmaalaan si sharciga iyo hanaanka reer nidaamyeedyada Wadanka Waafaqsan.
Booliska Federaalka Itoobiya oo War murtiyeedkan shacabka uga digay in laga dhawrsado isticmaalka xogaha aysan xaqiiqnimadooda kafiirsan iyo kuwa aysan bulshada garanayn ee kooxahan qaran dumisku warbaahinta bulshada ku fidinayaan, ayaa shacab waynaha dalka ugu baaqay inay fashiliyaan shaqsiyaadka warbaahinta bulshada sida sharci darrada ah xogaha shacabka iska hor keenaya ee Nabad galyadana halista gelinaya ku fidinaya.
Ugu dambayntiina, Federaal Booliska JDFI ayaa sheegay in Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga iyo cadaalada ee dalka iyo deegaanada ay sii xoojin doonaan talaabo qaadka saraynta sharciga lagu sugayo ee la bilaabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=OSMFMh5I_Ak