Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Cirro oo shaaciyay in banaan bax dhigayaan Digniina u diray ciidamada ammaanka

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland waxaa ka socda abaabulka banaan bax weyn ay dhigayaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaa oo kasoo horjeeda dib u dhaca doorashada Madaxweynaha.

Musharaxa Xisbiga Waddani ee ku metalaya Doorashada Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay qabanayaan banaan bax nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda.

Waxa uu sheegay Cirro in banaan baxa lagu muujinayo dareenka shacabka in uu yahay xaq dastuuri ah, waxa uuna ugu baaqay ciidamada in aysan is hortaagin banaan baxa balse looga baahan yahay in ammaanka banaan baxayaasha sugaan.

“Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay qasab tahay in doorashada dhacdo waqtigii horey loogu ballamay , waxa uuna uga digay ciidamada ammaanka in ay faraha la galaan arrimaha siyaasadda.

“Ciidamadda qalabka sida waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo. Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo 13November2022” ayuu yiri Cirro.

Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xisbiyada mucaaradka ayaa ka taagan doorashada, waxaana Xukuumadda Muuse Biixi ka digtay in banaan bax dhigaan xisbiyada mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=q1O-9_LnC-4

Related posts

Bandow lagu soo rogay degaanada Puntland iyo socodka gaadiidka oo la joojinayo

Caydiid Ali

Bankiga Adduunka oo soo saaray War cusub oo ka farxiyey dowlada Somalia

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo baaq u diray dadka degan Dhismayaasha Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---