Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandoska DANAB gàar ahaan Ururka 5aad Guutada 16aad ee Ciidanka XDS iyo Kuwa Nabad sugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada maalmahan deegaanada dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Deegaanadan oo kala ah Shabac, Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus Iyo Kaanjaroon oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Hawlgalku Intuu socday ayay ciidanka waxa u suuro gashay iney gacanta ku dhigaan sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsana Deegaanadan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashadana lagu sheegay (Sakhraawi) sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay iney howlgaladaas ku dileen afar dagaalyahan oo ilaalo u ahaa sarkaalka la qabtay.

Waxaa sidoo kale cagta la mariyay goobihii ay baadda shacabka uga qaadan jireen” ayuu yiri Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumaandoska DANAB Taliye Carab Dheeg Axmed.

Related posts

Nin lagu eedeeyay in xalay uu dilay Nabadoon Xasan Cali Muude oo si deg deg ah loo toogtay

Cabdi Cade

Dagaalo culus oo saaka ka qarxay degaan ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali

Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad ee goboleedyada Somalia oo ka hadlay qaraxii Addis-ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---