Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland oo xilkii iska casilay

Guddoomiyihii guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyoraacayaa iska casilay xilkaasi.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Riyo-raac oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisa ayaa qabtay Doorashadii Wakiillada iyo degaanka oo uu ammaan badan ku helay.

Hore xubno kale ayaa isaga casilay guddida Doorashooyinka Somaliland

Somaliland waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo lagu abaabulayo bannaanbaxyo iyo kuwo lagaga hortagyo in ay dhacaan bannaanbaxyadaasi oo mucaaradku ay ku baaqeen.

Mucaaradka iyo xukuumadda oo xiisad siyaasadeed oo adagi dhextaalo ayaa qolaba dhankeeda ka waddaa sidii ay awoodeeda u muujin lahayd.

 

 

Related posts

Mareykanka oo liiska argagxisada ku daray 26 xubnood oo Soomaali ah (Magacyada)

Caydiid Ali

Tirada Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka Sanadkan ka geesteen Soomaaliya oo la ogaaday

Cabdi Cade

Shir ay Wadajir ah u qaban qaabiyeen Simad iyo Jamhuuriya oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---