Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa hor tegay Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir si looga wada hadlo codsi 17-kii bishan Xeer ilaaliyuhu soo gudbiyey oo ahaa in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo uu ku eedeeyey iney galeen dembi Qiyaano Qaran ah si maxkamad loo soo taago.
Xildhibaanada la soo eedeeyey ayaa kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana xeer ilaaliyuhu sheegay iney dhaqaale lagu duminayo dowlada Somalia ka soo qaateen dalal shisheeye.
Axmed Cali Daahir ayaa la weydiiyay cadeyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada uu soo eedeeyey iyadoo ugu dambeyn uusan soo bandhigin cadeymo la xiriira arrimahan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay inuusan qaadan karin in lagu gafo sharafta xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka.
Qoraal ka soo baxay gudoomiyaha baarlamanka Somalia ayaa loogu sheegay Xeer Ilaaliyaha inaan codsigiisa la horgeyn karin Golaha shacabka, iyadoo aan laga baaraan-degin lana qiimeyn caddeymaha ay xildhibaanada ku eedeysan yihiin, waxaana qoraalku u qornaa sidatan:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com