Waxaa si weyn loo dhaliilay qoraal kooban oo maanta lagu daabacay bogga Villa Somalia ku leedahay Facebook, kaasoo falcelin adag ay ka dhalatay.
Qoraalka oo ku saabsanaa socdaalka Madaxeynaha Somalia ku tagay magaalada Baydhabo ayaa waxaa la tilmaamay inuu ahaa mid ay ka muuqatay guulwadeyn iyo olole doorasho oo xiligiisa laga soo gudbay.
“Tareenkii Nabadda ee Soomaali Heshiis ah oo gaaray magaalada Baydhabo iyo Shacabka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kala duwan oo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee ShaatiGuduud, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo Wefdigiisa” ayaa lagu yiri qoraalka hadal heynta dhaliyey ee lagu qoray bogga Villa Somalia.
Bogga Villa Somalia ku leedahay facebook oo ay ku xiran yihiin dad boqolaal kun gaaraya ayaa inta badan lagu daabacaa qoraalada ka soo baxa Madaxtooyada, safarada Madaxweynaha, qaabilaada wufuuda iwm.
Hase ahaatee dad fara badan oo adeegsanaya baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyey Qoraalka oo noociisa aan looga baran in lagu daabaco boggaas.
Weriye ruug caddaa ah aadna u dhaliilsanaa nidaamkii hore ayaa soo qoray sidatan:
“Kooxdii Farmaajo ayaa xitaa ka xishootay inay pagge-ka Villa Somalia u isticmaasho xayeysiis siyaasadeed iyo olole doorasho, Boggan maanta ka hor weli kuma arag iyada oo lagu faafinaayo halkudhiggii kooxda Farmaajo ee ahaa “Nabad iyo nolol, mana aqaano sababta loogu adeegsaday halkudhigga Ololihii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa (Somali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. ayuu yiri Qaasim Cabdulle Nero.
Abuukar Muxyadiin Xashara oo ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho ayaa tilmamay in bogga Villa Somalia lagu dhex galgashay.
“Waxaa waayadaan Baraha bulshada ku badnaa hebel maqaayadiisa waa laga dhex qadeeyay, hadda Page-kii Villa Somalia qado looguma simine waa lagu dhex gal-gashay” ayuu yiri.
Dadka falcelinta sameynayey ayaa sidoo kale tilmaamay in qoraalka ay ka muuqatay xirfad xumo iyo sida kooxda la wareegtay warfaafinta Villa Somalia ay uga marin habowsan tahay shaqada loo xilsaaray.