Allbanaadir.com
NEWS

RW Rooble oo xariga ka jaray Dugsiga agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiingad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shabakada Allbanaadir Online oo codbixin sahan ah ka sameysay doorashada Galmudug

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo abaabul dagaal u tagay gobolka Sool (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Ibrahim Boubacar oo is casilay kadib markii ay xireen Ciidamo milatari ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---