Allbanaadir.com
MUQDISHO

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay arrimaha Xajka ee Sannadkan

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta XFS Mudane, Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa ka kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al-Rabiicah.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan heerka diyaargarowga howlaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga iyo waxa uu Xajka sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore.

Wasiir Sh.Cumar Cali Rooble ayaa isagana la wadaagay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya warbixin ku saabsan heerka diyaar garowga ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo in dhawaan Xujeyda Soomaaliyeed ay soo gaari doonaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiir Sh. Cumar Cali Rooble ayaa la wadaagay Wasiir Dr. Towfiiq caqabado ugaar ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoona ka codsay in wax laga qabto caqabadahaas, isagoo dul istaagay Caqabadaha xaga deegaanada la dejiyo Xujeyda Soomaliyeed (Mina) xilliyada gudashada acmaasha Xajka.

Wasiir Dr. Towfiiq ayaa balanqaaday in wax laga qabanayo caqabadaha uu tilmaamay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane, Sheekh Cumar Cali Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Sacuudiga oo balan-qaad culus u sameeyey Shacabka Falastiiniyinta

Caydiid Ali

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Niger oo soo diray fariin cusub

Caydiid Ali

Taliye ka tirsan Jubbaland oo kashifay xiriir dhexmaray isaga, Farmaajo & Fahad Yaasiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---