Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad ka badan 100-qof oo ku dhintay Dagaal dhax maray dad Dahab qodanayay

Waqooyiga dalka Chad waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay kooxo si sharci daro ah dahab uga qodanayay degmo lagu magacaabo Kouri Bougoudi oo kutaalla xadka Chad iyo Liibiya.

Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa si sharci daro ah dadku uga qotaan dahabka, waxaana halkaasi la sheegay in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo kooxo Carab ah oo la sheegay in ay kasoo duuleen dhinaca Liibiya.

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 100-qof ayaa ku dhintay dagaalka salka ku haya qodoshada dahabka sharci darada ,waxaa sidoo kale dagaalkan ku dhaawacmay dad kale oo badan oo lagu daweenayo goobo caafimaad.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in dagaalku uu dhex maray kooxo Carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggan dhinaca bari ee dalka Chad.

Dowladda Chad ayaa mamnuucday dahabka sida sharci darada ah looga qodanayay deegaanada lagu dagaalamay, waxa ayna dowladda halkaasi geesay ciidamo soo celiya xasiloonida kana hortaga dagaalo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo raadineysa dadii la kulmay ninkii laga helay Caronavirus

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Magaalada Baraawe

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Madoobe Nuunow Maxamed oo loo magacaabay xilkii uu ka geeriyooday aabihiis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---