Allbanaadir.com
NEWS

Haween ciyaaraya K/Cagta oo lagu arkay garoomada Xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirro)

Shalay gelinkii dambe waxaa lagu qabtay garoonka Qoob-dooro oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ciyaar kubada cagta ah oo ay wada ciyaarayeen labo kooxood oo haween ah.

Ciyaartan ayaa aad loola yaabay maadaama haweenka Muqdisho aan looga baran iney ka qeyb qaataan ciyaaraha kubada cagta ee ka dhaca garoomo xaafadeedyada bacaadka ah.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dhalinyaro rag u badan oo ka ka yimid xaafadaha degmada degmada Kaaraan iyo nawaaxigeeda, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa daawanayey.

Gabdhaha Soomaalida ayaa lagu ogaa iney ka qeyb qaataan ciyaaraha kubada koleyga, kubada gacanta, Ciyaaraha fudud, kubada laliska iyo kuwo kale, waxaana wax cusub noqotay in haween kubada cagta ku ciyaaraan garoon xaafadeed bacaad ah.

Inkastoo ay jiraan dad arintan soo dhoweeyey haddana inta badan qeybaha bulshada ayaan jecleysan in dumarku ay ka qeyb qaataan Ciyaaraha Kubada cagta ee lagu qabto xaafadaha degmooyinka oo inta badan looga bartay dhalinyarada wiilasha ah.

”Caqligu ha shaqeeyo, Soomaaliya waa dal Islaam ah mana haboona in Diinta lagu tunto, dhacdadii shalay wax damiirka islaamnimo uu aqbali karo, Haddii la jecel yahay in gabdhaha la taageero si kale ha loo gacan qabto, Waxbarasho hala siiyo, Ganacsi ha loo furo, Shaqo ha loo raadiyo, Diinta & Dhaqanka ha lagu Barbaariyo” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay hadal uu mar kale ku weeraray Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Magaalada qadiimiga ah ee Lalibela oo u gacan gashay Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe oo ka digay arrin halis ah oo ku soo wajahan degaanka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---