Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo u abaabulan hab beeleed ayaa duhurnimadii maanta ku dagaalamay Waaxda Liiqliiqato oo ka tirsan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dad degaanka ayaa waxay sheegeen in labadan dhinac ay isku heystaan dhul ku yaalla degmada Kaxda oo maalmahanba uu murankiisu taagnaa.

Ciidamada garab ka mid ah waxaa hoggaaminaya nin ganacsade ah oo sheeganaya inuu leeyahay dhulka, halka dhinaca kalena ay ka soo horjeedaan arrintaasi.

Ku dhowaad 30 daqiiqo ayaa la tilmaamay in dhinacyadan halkaasi uu ku dhexmaray iska horimaad, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa sheegaya in horimaadkan ay ku dhinteen labo askari tiro intaas ka badan oo isugu jira shacab iyo ciidana ku dhaawacmeen.

Saraakiil ciidan iyo Waxgaradka degmada ayaa ku baxay kuna guuleystay iney joojiyaan iska horimaadkan oo khal khal badan iyo cabsi ku abuuray dadka degaanka, waxaana socda kulamo lagu xalinayo xiisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JKa2H0gyksE

Related posts

Haweeney umul aheyd iyo labo haween kale oo ku geeriyooday guri kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) Musharaxiin Baydhabo ka soo saaray War ku saabsan doorashada K/Galbeed

Caydiid Ali

Haweeney loo heestay in ay katirsan tahay Al Shabaab oo Xabsi ku dhax geeriyootay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---