Allbanaadir.com
NEWS

Taliye ciidan oo laga soo celiyey Kismaayo & Maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray

Maamulka Jubbaland ayaa saaka garoonka dayuuradaha magaaladaas ka soo celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha degaanada Jubbaland.

Taliyaha oo lagu magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya u magacowday Guutada 43-aad, isagoo beddeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday Jen. Ismaaciil Saxardiid, waxaana taliyeha loo diiday Kismaayo uu dib ugu soo laabtay Muqdisho oo markii hore laga diray.

Haddaba maamulka Jubbaland ayaa soo saaray war qoraal ah oo ku saabsanaa sababaha ay u soo celiyeen taliyaha cusub kaasoo u qornaa sidatan:-

WAR-SAXAAFADEED

Laamaha Amniga ee Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka celiyey Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey taliyaha qeybta 43aad ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada.

Qodobka 20aad ee heshiiskaas ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo .

Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow .

Jubbaland State Official
Mahadsanidiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

(Sawirro) Deni oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Puntland, eedeyna u jeediyey DF

Caydiid Ali

Ilmo 10 sano jir ah oo dhac yaab leh ka geystay Bangi ku yaalla Hannover (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo dalka kusoo celineysa Soomaali badan oo dibadda ku xayiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---