Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ballanqaad ka helay Safiirka dowladda Qatar (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida guud ahaan dowladdaha Khaliijka, gaar ahaan dowladda Qatar ay gacan uga geysan karaan, Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Danjire Hassan bin Hamza, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Waxaa kaloo kulanka joogay madaxa hay’adda Qatar Al-khayriya iyo madaxa hay’adda Bisha Cas ee Qatar., kuwaa oo iyana ballanqaaday in ay gacan ka geesanayaan u gurmashada dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo midoobo Al-Shabaab ka dib weerarkii hotel Xayat

Caydiid Ali

Sheekh Caan ah oo ku baaqay in Wadamada Islaamka sameestaan ciidamo u gaar ah

Cabdi Cade

Jubbaland oo sharci daro ku tilmaantay arrin DF ka sameysay gobolka Gedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---