Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh iyo Rooble oo ka qeyb galay Salaada Janaasada Marxuum Shirwac (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya , Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne kale ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Salaada Janaasada waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin kale oo katirsan labada golle ee dowladda iyo xubno katirsan bulsahada rayidka kuwaa oo ka tiiraanyeesnaa geerida ku timid Samafale Cabdullaahi Maxamed Shirwac.

Madaxda kala duwan ee salaada Janaasada ka qeyb gashay ayaa Alle uga baryay in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Samafale Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo kasoo shaqeeyay nabadeynta iyo samafalka dadka Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baldoosarkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda Daacad u noqday Taliban (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa Maxay ujeedada safarka Fahad Yaasiin ku joogo Magaalada Addis ababa?

admin

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Magaalada Jubba

Caydiid Ali
Taboola Ads ---