Inkastoo ay dowladda federalka Soomaaliya ay dagantahay caasimada dalka oo kaliya Magaalada Xamar aysan jirin awoodo iyo xafiisyo ku baahsan gobolada dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.
Xarumaha iyo xafiisyada dowladda waxa ay ku yalaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho caasimada Dalka wallow aysan caasimada dhan aysan ku oolin oo ay inta magaalada ugu shidan u ugu yaaliin sida qeybo ka mid ah Hodan, Warta-nabada, wadajir, Waaberi, Cabdicasis, Shibis iyo qaar kale.
Xarumaha Dowladda ama Xafiisyada waxa ay u furan yihiin in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan una fuliyaan danahooda kasoo galay xafiisyada dowladda iyo xarumaha adeega dadweynaha.
Dadka Shacabka ee ku dhaqan caasimada waa kuwa aan helin adeeg dowladeed Amni, Caafimaad, iyo waxbarasho midkoona, waxaana u sii dheer adeeg xumo iyo in ay magaalada u kala gudbi Karin xafiis dowladeedna ay gali Karin.
Bulshada dhiban dhididkeedana la cuno marka ay u baahato in ay kasoo muraadsado xarumaha dowladda ama xafiis ay dani kasoo gasho ma sahlano galitaankeeda.
Waxay bixiyaan laaluush waxay raadsadaan qaraabo ku matasho dowladda oo gudbin karta irdaha Xarumaha ama Xafiisyada dowladda si ay u helaan adeega dowladda ama waxay raadsadaan asxaab ay waji garanayaan ha bixiyaan laaluush iyo lacago lagu sheegey fududeyn.
Xarumaha iyo xafiisyada ugu mashquulka badan oo ay shacabka maalin walba dani kasoo gasho waxaa kamid ah Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Xarunta CID, Xafiisyada kala Duwan ee Dowladda Hoose Xamar, Xarunta dad Dhigista, Wasaarada Ganacsiga, wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Arimaha Dibadda.
Dhamaan Xarumahaan aan soo sheegay waa xafiisyada ugu mashquulka Badan magaalada Muqdisho oo ah halka ay guud ahaan xafiisyada dowladda ay ku yalaan mana jirto cid shacab ah oo gali karto si fudud iyo laaluush la’aan.
Dhamaan xarumahaan waa in aad bixisaa khidmat lacag ah oo aad siineyso dad gudaha xafiiska ku geeyo kuna dhaafiyo iridka hore ee howlwadeenada ilaali nabadgalada xarunta aad rabto in aad gashid balse lacag ayaa ah waxa aad ku gali karto.
Wallow ay jirto cabsi qab laga qabo Al-shabaab amey kusoo dhexdhuuntaan iyo kooxo qowleysata ah balse waxaa jiro wadooyin badan oo loo wajihi karo xalinta bixinta lacagta xaqdarada ah waayo shacabka waxay xaq u leeyihiin in si haboon loogu adeego.
Si loo helo dowlad iyo shacab wada socda ooh al meel u wadajeeda si loo helo xarumo dowladeed oo dhamaan shacabka si fudud ay ku heli karaan adeegyada ay bixiyaan waa in la helaa dowladda dareenta dhibka heysta shacabka iyo Hogaan shacabka si rasmi ah ugu dhextimid.
Xafiisyada dowladda miyaana loo furin Shacabka?
Xafiisyada Dowladda miyaana u deegin Shacabka?
W/Q: Ahmed Abdi Agayare
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com