Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha cusub oo Madaxtooyada Somalia oo xilka la wareegay (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala  wareegay Agaasimihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Ku-xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Ugu danbeyn, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Netanyahu oo maanta hortagaya Maxkamad

Caydiid Ali

Xasan Shiikh “Qaraxa, dilka & maatada la gumaaday lacagta aad bixisay ayaa sababtay“

Caydiid Ali

Dowlad layaab ku noqotay Maxaabiis kasoo jeeda Galmudug uu cafiyay Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---