Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Ilaalada Cumar Finish oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka ilaalada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish ayaa maanta lagu dilay agagaarka dekadda Weyn ee Muqdisho xilli uu halkaasi marayay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegay Xuseen Abuukar Nuur oo kmaid ahaa ilaalada Cumar Finish ayaa waxaa rasaas ku furay oo afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan ciidanka booliiska.

Ciidamo katirsan booliiska ayaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray, lamana oga in ciidamada gacanta ku dhigeen askariga dilka geestay, waxaana meydka askariga la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka askarta katirsan booliiska ay u geesanayaan dadka shacabka iyo ciidanka kale ee dowladda katirsan, mana jiro wax laamaha ammaanka ka qabtaan dilalkaan sii kordhaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf adag oo soo kala dhex galay Maamulka Jubbaland iyo Shirkadaha dayuuradaha

Caydiid Ali

Soomaali 28 jir ah oo loo doortay duqa Magaalada Sheffield ee dalka Britain (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dib loo furayo iyo Masuuliyiin booqatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---