Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Nabadoon Cali Dheere oo Caawa la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa fiidkii xaafada Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne waxa ay ku dileen nabadoon Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa waxgaradka caanka ka ahaa magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen nabadoonka kadibna goobta ka carareen, rasaasta haleeshay ayaana la sheegay in uu nabadoonka u geeriyooday.

Ciidamada ammaanka magaalada Baladweyne ayaa dilka kadib goobta gaaray, lamana soo sheegin ilaa hada dad ciidamada ammaanka usoo qabteen dilka caawa loo geestay Nabadoon Cali Dheere.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay in uu sidoo kale ahaa ganacsade , dadka yaqaan nabadoonka ayaana tilmaamay in uusan wax lug ah ku laheyn siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira.

Magaalada Baladweyne ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo dad kale oo bulshada indho u ahaa, waxaana inta badan baxsaday kooxahii hubeesan ee dilalkaasi qorsheesan ka geestay Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo sanad ka dib ku wajahan Garoowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---