Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay Arrimaha ay ka mid yihiin safarka Xujayda Soomaalida ay ku tagayaan dhulka Barakaysan iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo la mid ah kuwa ay helaan xujayda wadamada kale ka imaanaya.
Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gutaan Acmaasha Xajka.
Dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa sheegay inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday dowladda ee la xariiray in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, wuxuuna xusay wasiirka in haatan Qofkii xajinaya laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka sanadkii hore laga qaadi jiray qofkii 3,850 Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar).
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com